Ciidanka Nabad sugidda ee dowladda Federaalka ayaa xabsiga u taxaabay la taliyaha dhanka sharciga ee wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka dowladda dhexe Baarliin Maxamed Cali.
Xubno ka tirsan wasaaradda haweenka ee xukuumadda ayaa u sheegay warbaahinta jiritaanka xariga Agaasime Baarliin inkastoo ay ka gaabsadeen waxa loo sababeynayo.
Weli xeer ilaalinta iyo Nabad sugiddaba kama aysan hadlin xarigga masuuliyiintani loo geystay masuuliyiintani wasaaradda ka mid ah.
Waxaa xalay ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay xabsiga u taxaabeen agaasimihii guud ee wasaarada haweenka iyo xuquuqul Insaanka ee xukuumada federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar.
Dhowaan ayay ahayd markii Hanti dhowraha guud ee qaranka uu sheegay inay jiraan dad ka tirsan dowladda oo lagu tuhmayo inay hayaan hanti qaranku leeyahay.
Illaa hadda si rasmi ah looma caddeynayo waxa uu ku qotomo xariga loo geystay masuuliyiintani.