Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Booliska ka hawlgala Magaalada Baydhabo, ayaa waxay xabsiga u taxaabeen tiro dad ah, oo lala xiriirinaayo weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii gil gilay Bartamaha Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.
Hawlgalada oo siyaabooyin kala gedisan looga sameeyay qaybo ka mid ah Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo dad looga shakisan yahay, inay ku lug lee yihiin weerarkaasi.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Siyaad Sheekh Cumar Sheekh Daahir, ayaa wuxuu xaqiijiyay in laamaha ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen, dad loo heysto inay wax ka ogaayeen weerarka lagu qaaday maqaaxida ku taala Magaalada Baydhabo.
Afhayeenka, ayaa tibaaxay in dadkii gacanta lagu soo dhigay ay ku soconayaan baaritaano ku aadan, waxa ka ogyihiin weerarka ismiidaaminta iyo midkii kale ee loo adeegsaday gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay,
Isagoo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu wax dhib badan ah uu ku sheegay sidii looga hortaggi lahaa, dad ku dhex jira qaybaha bulshada, isla-markaana doonaaya inay dhibaato geystaan.
Dhanka kale Siyaad Sheekh Cumar, ayaa waxa uu ku goodiyay inay taggi doonaan deegaanada ay Shabaabku ka jooggaan Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, si cagta loo mariyo.
Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ku magacaaban Gobolada Bakool, Baay iyo Shabeellaha Hoose.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com