War Cusub: Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane Oo Yiri “Waa Arin Igu Cusub, Ma Fahmin” Warkii Ka Soo Baxay Xafiisyada Xeer Ilaalinta Iyo Hanti Dhowrka Qaranka.

0

Muqdisho, AGGM:Xafiisyada xeer ilaalinta iyo Hanti dhowlrka Qaranka ayaa wasiirrada iyo wasiir ku xigeennadii ka tirsanaa xukuumadda uu maanta baarlamanku kalsoonida kala laabtay ku amray ineysan dalka ka bixi Karin ogolaansho la’aan, tan iyo inta ay xilalka uga wareejinayaan si waafaqsan nidaamka.

War Qoraal ah oo ay ku wada saxiixnaayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa lagu xusay in iyagoo tixgelinaya xaaladda adag ee dalku marayo, iyo soo ifbixidda jiritaanka ku takri falid awoodeed ee shaqo iyo shaqaale, islamarkaana ay dareemeen surtagalnimada lunsasho iyo takri fal hanti dadweyne ay soo saareen amarka safarka lagaga joojinayo wasiirrada.

Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ayaa bartiisa bogga Facebook waxa uu ku soo qoray mar uu ka hadlayay warkii ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha ee xanibaada lagu saarayay golaha Wasiirada inaysan dalka ka bixi karin ayaa waxa uu yiri “Waa Arin Igu Cusub, Ma Fahmin”.

Wasiiirka ayaa qoraalkiisaas uu uga hadlayay Warqada ka soo baxday xafiisyada Xeeri Xeer Ilaalinta Iyo Hanti Dhowrka Qaranka, waxaana muuqata in Wasiirka tuhun iyo walwal badan soo wajaheen.

Isku soo wada duuboo Waxaa la ogeyn ilaa hadda sababta keentay in war qoraal ah oo noocan oo kale ah uu ka soo baxo Xafiisyada Xeer Ilaalinta Iyo Hanti Dhowrka Qaranka maadaama uu jirin wax dambi ah oo ay maxkamad ku xukuntay Wasiirada Golaha Wasiirada Xukuumada R/wasaare Cabdwali Sheekh aysan jirin.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Warqada Ka Soo Baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha.

tuhun

Halkaan Hoose Ka Akhriso Bogga Wasiirka Malaiyada Xuseen Cabdi Xalane.

xalane

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com