Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa ku amray madaxweynaha Soomaaliya in muddo 30 maalin gudahood uu kusoo magacaabao Ra’iisul wasaare cusub.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo in madaxweynaha uu kusoo magacaabo ra’iisul wasaare cusub muddo 30 maalin.
Wuxuu kula taliyay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka fiirsasho badan ka sameeyo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya, maadaama shalay la riday ra’isuul wasaare hore C.welli Sheikh Axmed.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay codka kalsoonida kala laabtay ra’iisul wasaare hore C/welli Sheikh Axmed Maxamed.