Faafaahino kasoo baxaya diyaar kenya laga leeyahay oo dhacday

0

Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo ah kuwa milatariga ay ku dhacday degaan u dhexeeya Buuloguduud iyo Birta Dheer.

Wararku sheegayaan in goobta ay diyaaraddu ku dhacday ay dul wareegayeen diyaarado kale oo ay leeyihiin ciidamada milatariga ee Kenya.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay la kulantay cillad farsamo. Dhinaca kalena ururka al-Shabab ayaa sheegtay iyagu inay soo rideen diyaaradda. Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen.

Af-hayeen u hadlay al-Shabab ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan burburkii diyaaradda iyo maydka qof duuliye ah.

Sheekh C/Raxmaan Xudeyfa oo ah wakiilka Al-shabaab u qaabilsan Jubbooyinka oo wareysi siiyay Idaacadda ku hadasha Afka xarakada Shabaab ee Andalus ayaa sheegay in ciidanka difaaca cirka ururka Al-shabaab ay diyaaradda dhulka soo dhigeen daqiiqado kadib markii ay duqeyn ka geysatay deegaanka Araraare ee duleedka degmada Jamaame.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com