Daawo Sawirro Dheeri Ah: Wafdigii Jaamacada Carabta Oo Dhex dhexaadinyay Madaxda Sare Ee Soomaaliya…

0

Ka dib wakiilo ka socda Jaamacada Carabta oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho kulumana la qaatay madaxda ugu sareyso dalka ayaa waxay ka wada hadleen sidii dib u dhis iyo nabadeyn loogu soo dabaali lahaa dalka mudada ka badan 20-ka sano ku soo jiray hadana cagta saaray wadadii hormarka. 

Muqdisho, AGGM: Wafdiga Jaamacada Carabta ee soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayay ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Kuwait, Sh. Sabaax Khaalid Xaamid Al Sabaax.

Mas’uulkaan ka tirsan Jaamacada Carabta ayaa shaaca ka qaaday in muhiimada ugu weyn ee Muqdisho u soo gaareen inay tahay sidii Xasilooni iyo dhex dhexaadin look ala dhex dhigi lahaa madaxda siyaasada ku kala fogaatay ee Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

” Wafdigii Jaamacada Carabta ee shalay soo gaaray Muqdisho,waxay Dowlada u sheegeen inay ka caawin doonaan sidii loo taageeri lahaa hormarida mashaariiceed ee ka socda Somalia iyo waliba dejinta muran siyaasadeedka ka jira dalka” ayuu yiri wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Kuwait.

Wuxuu si gaar ah u sheegay Sheikh Sabaax Khaalid in Dowlada Kuwait arintaan xil gaar ah iska saari doonto dadaalna ku bixin doonto sidii hormarka Soomaaliya qeyb weyn kaga qaadan lahayd.

Sidoo kale,Dowlada Kuwaite ayuu shaaca ka qaaday in dhanka nabad galyada ka taageeri doonto Soomaaliya iyadoo dhinacyo badan u mareysa,sida tababarida ciidamada Soomaaliya iyo taageerada howlgalka AMISOM.

Wafuud heer caalami ah oo ka socota Jaamacada Carabta ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoona gudaha Garoonka adan Cadde kulan kula qaatay madaxda dalka,sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Somalia. – See more at: http://risaala.net/articles/23565/Jaamacada-Carabta-oo-dhex-dhexaadineysa-madaxda-Soomaaliya#sthash.q00AZ3wG.dpuf

 

 

73

65

29

162

133
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com