Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa Maanta hortagay Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya.Waxayna Baarlamaanka ka hor aqriyeen arrimo la xiriira Wasaaradahooda.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay warbixin ku saabsan Miisaaniyad Sanadeedka ee 2015.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa isna dhankiisa Xildhibaanada ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Xuduudaha iyo Federaalka iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa Xildhibaanada ka codsaday iney u diyaar garoobaan Shaqooyinka adage e horyaalla waxa uuna sharaxaad ka bixiyay Fadhiyada Baarlamaanka ee soo socda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com