Wasaarada Caafimaadka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay sameynayso qorshooyin cusub oo looga hortagayo faafinta cudurada kala duwan.
Wasiirka caafimaadka Dr Cali Maxamed Maxamuud Xareed oo ka qeyb galay xaflad looga hadlayay cudurka Aids-ka ayaa sheegay inay ka hortagayaan faafiska cudurkaasi.
Wuxuu sheegay inay sameyn doonaan dadaalo dheeraad ah oo lagu ilaalinayo inuu cudurka kusii faafo Soomaaliya inteeda kale.
Wuxuu mahad celin usoo jeediyay dhamaan hayadaha kala duwan ee dadaalka ugu jiro sidii Soomaaliya cudurkaasi looga ilaalin lahaa, islamarkaana xanaano gaar ah u sameeyo dadka cudurka la nool.