Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii Mandera ee ay ku dhinteen ugu yaraan 36 qof. Weerarka ayaa ka dhacay meel dhagax laga qodo oo ku dhow magaalada Mandera, woqooyi-bari Kenya.
Qoraal kasoo baxay Shabaab oo Luuqada Ingiriiska ku qornaa ayaa lagu cadeeyay in Shabaab ay ka dambeeyeen weerarkaasi, waxaana fuliyay ayaan la yiri weerarkaan guutada Saalax Nabhaan.
Saalax Nabhaan ayaa lagu dilay Shabeellaha hoose weerar Mareykanka ay ka geysteen sanadkii 2009.
Weerarka Shabaab ay geysteen ayaa dhacay xalay xilli dambe, waxaana dadkaasi qaar ka mid ah ay sheegayaan in la toogtay qaar kalena qoorta laga gooyay iyaga oo dhex jiifay teendhooyin ku yaala goobtii ay dhagaxa ka qodayeen.
Waa weerarkii labaad oo labo isbuuc gudahooda ay ka geystaan Shabaab gudaha dalka Kenya oo dad badan ay ku dileen, iyadoo Isbuucii lasoo dhaafay Maalin sabti ah Shabaab ay duleedka Mandheera ku laayeen dad gaaraya 28-ruux oo Kirishtaan ahaa.