Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad balaaran oo looga dhowaaqayey xisbiga Daljir oo ah xisbi cusub oo siyaasadeed.
Munaasabada ku dhowaaqida xisbigan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan baarlamanka oo uu ka dhex muuqday xildhibaan C/qaadir Cali Cumar, siyaasiyiin, culimaa’udiin iyo qeybaha bulshada sida, haween, odayaasha dhaqanka, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha xisbiga cusub ee Daljir xildhibaan Xasan Macalin Maxamed oo munaasabadaas ka hadlay ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey sababaha loo aasaasay xisbigan iyo himilooyinka uu hiigsanayo xisbigan.
“Xisbiga halka uu tiigsanayo gaaristeeda una ah yoolka waa gaarsiinta muwaadinka Soomaaliyeed heer uu dareemo degenaansho buuxda oo dhan kasta ah sida amaanka, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarkan iyo dhinaca kale ilaalinta caqiidada, ilaalinta, sharafta, nafta, hantida, Xoriyada aasaasiga iyo tan umadeed” ayuu yiri gudoomiyaha
Xasan Macalin oo dowladii madaxweyne Shariif ka soo noqday wasiiru dowlihii madaxtooyada ayaa sheegay in xisbigiisu uu ku shaqeynayo rabitaanka dadka Soomaaliyeed isagoo dhinaca kale xusay in dowladihii KMG ahaa soo qabteen shaqo wanaagsan oo sababtay in dalku uu yeesho dowlad rasmi ah.
“Waa nasiib wanaag in laga guuray qaabkii qoriga iyo qabyaalada wax lagu raadin jiray, loona guurayo in xukunka lagu raadiyo qaab nabadeed iyo doorasho ah, waxaana xisbigan uu wax la qeybsan doonaan asxaabta ee kale ka jirta dalka” ayuu yiri Xasan Macalin Maxamed.
Cadde Gaabow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay xafladan ayaa ugu baaqay Xisbiga inuu noqdo mid metalaya Soomaalida kana fogaado qabyaalada iyo kooxeysiga.
Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabadaas masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Daljir qaar ka mid ah qeybaha bulshada ee lagu casuumay waxayna dhamaantood u hambalyeeyeen xisbigan cusub iyagoo xusay iney dhoweynayaan ayna u rajeynayaan inuu meel wanaagsan ka gaaro siyaasada dalka iyo horumarinta bulshada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com