”SAWIRRO” Shir looga hadlayay iskaashiga Magaalooyinka Carabta oo la soo gaba gabeeyay

0

Shir looga hadlayo iskaashiga magaalooyinka waddamada Carabta oo ka socday magaalada Manama ee xarunta dalka Bahrain ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo shirka inta uu socday looga hadlay arrimo badan

Shirkan oo ahaa kal fadhigii 52-aad ee ay isugu yimaadaan mas’uuliyiinta magaalooyinka Carabta, isla markaana soconayey 29-30 bishan ooay soo qaban qaabisay dowladda Hoose ee Manama ayaa maanta la soo gaba gbeeyey, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday waddamada Carabta.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir mudane Ismaaciil Cabdi Guure iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ka mid tahay caasimadaha Carabta, ayna diyaar u yihiin in ay soo celiyaan doorkii ay ku lahaayeen kulamada waddamada Carabta ee looga hadlayo wadatashiga iyo horumarinta magaaalooyinka Carabta.

Shirka wada-tashiga magaalooyinka waddamada Carabta ayaa looga hadlay arrimo dhowr  ah oo ay ka midyihiin horumarinta magaalooyinka, ilaalinta deegaanka iyo faya dhowrka, horumarinta xiriirka dibadda ee magaalooyinka dalalka Carabtu la leeyihiin dunida inteeda kale iyo kor u qaadidda xaga dhaqaalaha.

Magaalada Muqdisho ayaa Xubin Buuxda ka noqonaysa Ururka midowga Magaalooyinka oo xaruntiisu tahay dalka Spain.

Shirkan kan xiga waxaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania.

 

6 7 8 9 11 21 31 41 51

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com