Xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Aqoonyahano,iyo Culimada a,udiin ku dheeraaday ahmiyada ay waxbarashadu iyo aqoontubu u leeyihiin Nolosha Aadanaha ayagoo carabkana ku adkeeyay taageerida Jaamacada G/guduud.
Boqolaal jaaliyada reer Columbus ah oo soo buux dhaafiyay goobta dhaqaalo aruurinta ayaa u riyaaqay talaabada lagu doonayo in lagu dhiso dhisme ay leedahay Jaamacada Galgaduud University oo dhismaheeda lagu sheegay in uu ku kacayo aduun dhan Hal Milyan ($ 1000,000) oo doolarka Maraykanka ah, lakin Howl wadeena qorshaha dhismaha Jaamacada ayaa xusay in wajiga hore ama dhismaha ugu horeeya uu ku kici doono dhaqaalo lacageed oo dhan, ($ 750,000) oo dolar.
Arintan markii ay soo bandhigeen waxay si weyn u taabatay jaaliyada Ohio oo aad ugu istaagay isla markaana soo bandhigay Taageeradoodii ugu xooganayd oo ay jaamacada la garab istaagaan waxayna isla goobta ku balan qaadeen bixinta lacag dhan Boqol iyo Konton Kun iyo Todobo boqol ($ 150,700) , iyaga oo balan qaaday in ay sii wadi doonaan bixinta dhaqaale kale marka looga bahdo.
Xaflada oo ay ka hadleen Masuuliyiin ay ka midyihiin Wasiirkii hore ee waxbarashada Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, Taliyihii Ciidanka Xooga dalka, Gen. C/qadir Sheikh Ali Diini, Safiirkii hore ee somalia ee dalka Maraykanka, Amb. Abdirkarim Omar, Abwaanka caankaa ee Kabiirka Kooxda Qaylo dhaan Abdi Shire Jama Ciyaarjecel, oo xafladan darteed uga yimi magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale ayaa hadalo dhiirogalin iyo taageero isugu jiray ka jeediyay xaflada, iyaga oo uga mahadceliyay dadaalka isku dayeed ee jaamacad dhidibada loogu taagay.
Xafladan waxaa lagu soo bandhigay Sheekooyin, Gabayo, Riwaayado, Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, halka dad dhawaan ka soo laabatay Soomaaliya gaar ahaan C/waaq ay ka sheekeeyeen nolosha iyo isbadalka adeegyada Bulshada ee deegaanka.
Jamacada Galgaduud University oo hada howlgasha waxa ay ardada oo dhan 208 ay ku dhigtaan Dhismayaal Kiro ah, iyada oo dadka magaalada C/waaq ay balan qaadeen in kaalintoodana ay qaadan doonaan.
Deeqa Sonna
Columbus, Ohio
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com