DHAGEYSO:Imaamka Beelaha Habar Gidir ” Dagaalka Hala Joojiyo Waa Islaam La’aan Iyo Walaal La’aan”…

0

Muqdisho, AGGM:Imaamka Beelaha Habar Gidir Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble ayaa waxa uu si kulul ucambaareeyey dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday Deegaan hoostaga Gobolka Mudug.

Dagaalkaasi waxa uu dhexmaray Labo beel oo walaalo ah kuwaasi oo wada degga deegaanka War Shub ee Degmada Xarardheere waxaana ku dhintay labo maalmood dagaal dhacay dad ku dhaw 35 ruux halka dhaawaca uu ka badan yahay 40 qof.

Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay dagaalkaasi islamarkaana urajeeyey kuwa dhaawaca ah in alle bogsiiyo.

Imaamka Beelaha Habar Gidir ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagalamaaya Xarardheere inay Nabada qaataan oo ay dagaalka joojiyaan.

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com