DHAGEYSO+XOG:- Qorshe cusub oo socda & Wafdi Muqdisho yimid…

0

Muqdisho, AGGM: Waxaa maanta magaalada Muqdisho kasoo tagay wafdi ka socda dowlada Kuwait, kuwaasi oo hordhac u ahaa wafdi ka imaanaya Jaamacada Carabta oo Muqdisho kusoo wajahan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka arimaha dibada Xukuumada Soomaaliya iyo xubno ka socda labada gole ee dowlada.

Wafdiga waxaa hogaaminayay wasiirka arimaha dibada dowlada Kuwait, waxayna ujeedada tahay inay gogol xaar usii noqday wafdiga ka imaanaya Jaamacada Carabta.

Safiirka dowlada Soomaaliya ee Kuwait oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wafdigaasi ay hordhac u ahaayeen wafdiga magaalada Muqdisho imaan doona.

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Warkan..


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com