Top News: Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Xalay Ku Dagaalamay Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo….

0

Buurdhuubo, AGGM:Dagaal degmada Buurdhuubo ee Gobalka GEDO ku dhaxmaray Ciidanka Dowlada & Maleeshiyaadka al shabaab ayaa laga helayaa Saakay Faah faahin dheeraad ah.

Dagaalkani oo xalay ka dhacay fariisimo ku yaalla degmadaasi ayaa la xaqiijiyay inay kudhinteen seddex neef oo dad shacab ah ay lahaayeen oo rasaasta labada dhinac isku adeegsanayeen ay dishay.

Qof goobjooge ah oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in labada dhinac ay isla dhaceen rasaas kadibna Alshabaab oo iyagu weerarka qaaday ay dib kaga laabteen.

sidoo kale Waxaa lagu soo warramayaa in saaka xaaladdu ay tahay mid deggan waxaana halkii lagu dagaalamay ku sugan ciidanka dowladda oo xaqiijinaya ammaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com