Maqaal: Irdo Go’ay Albaaba Is-Xirxiray Talo Ashaadowdey, Maalintaas Ninkii Ka Arrinshaa Aaqil Soo Maaha? W/Q:Khalif Ashkir Diini

0

Khhilaafka u dhexeeya maddaxda ugu saraysa qaranka Soomaaliyeed wuxuu socdaa muddo gaaban oo aan dhawr toddobaad ka badnayn, laakiin wuxuu u muuqdaa mid habsami u-socodkii qarankeenna ku keenay dheelli weyn ee waliba halis xambaarsan. Haddaan dhaqso loo xallinna waxaaba dhici kara musiibo qiro weyn ee aan laga soo waaqsan. Waa in aynnaan ka ilduufin in aan nahay dawlad lagu sifayn karo waxa loo yaqaan qosol-ku-jab.

KU DAYASHO.

Joseph Stalin, Kaligi taliyihii Midowga Soofiyeetka xukumey Dagaal kii labaad ee Adduunka, ee geeryoodey sanadkii 1953dii, ayaa markuu dhimanayey dawladiisa la dardaarmay. Waraaq yar oo dhawr rigo (sadar) ka kooban ayuu boqshad ku riday oo kuna xiray (sealing). Wuxuuna madaxdii markaas xukunka haysy kula dardaarmay, in ay markey yaabaan boqshaddaas furtaan.

Wax weyn lagama soo qaadin ee meel ayaa la-iska dhigay iyada oo aan la furin.

Sanooyin ka dib ayaa abaaro dhaceen. Rootigii madoobaa ee Rushku cuni-jiray ayaa la waayey, dadkii aya dibad-bax aan kala go’lahaan dhigay, dawladdii ayaa liiq-liiqatay. Mardambe ayaa mid madaxdii ka mid ahu boqshaddii xasuustay waana la furay waxaa ku yaal sidaan hoos ku qoran:-

Haddii dadku kaco oo la dajin waayo, sargaalka madaxda ka ah, haa’yadda ay ka cabanayaan ruqseeya.

Haddey ku dagiwaayaan sargaalka xira.

Haddey degiwaayaan sargaalka dila.

Arrinta ha ka shagiyin, maxaa yeelay wax kasta waxaa ka mudan habsami u socodka qaranka.

Haddii sargaalku dhibta masuul ka ahaa, haddeed abaalkiisii ayuu helay.

Haddii uuna ka ahaynna markii dadku dago u aabaalguda haddii uu noolyahay, haddii uu dhintayna ku xabaala meesha geesiyaasha qaranka lugu xabaalo.

Xaaskiisa iyo carruurtiisana ka dhiga ilmo qaranku leeyahay.

TALO-BIXIN.

1- Mudane Farax Cabdulqaadir ha is casilo. Kuma xukumin in uu qalad leeyahay. Laakiin waxaa magaciisu si weyn kuga dhex muuqda khilaafka. Waxaan ku xabaali doonnaa xabaalaha keesiyaasha qaranka, inta u noolyahayna waxaa loo aqoonsan doona ninkii malaxadiisa qaranka dartiis u huray, taasuna waxay ka fiican tahay nolosha oo dhan.

2-R/wasaaruhu ha ka noqdo isku shaan-dheynta inteeda kale.

3- Mudanayaasha moosinka waday haloo sheego in ay xaq ku joogeen, laakiin ha ballan qaadeen in ayna mardambe mooshin sifahaan leh keeneyn.

4- Mudanayaasha moosinka diidanaa ha loo sheego in ay qumanaayn laakiin ha ballan qaadeen in ayna mardambe golaha dhexdiisa faraha ku taagtaageyn.

5- Madaxweynaha ha loo sheego in wax kasta oo xumaada usagu masuul ka yahay xitaa haddii cid kala samaysay, markaasna looga baahan yahay in uu wixiisa isku camandulleesto. Haddii uuna sidaas aammini waayana, ha loogu dhaarto si uu u aammino.

6- R/Wasaaraha ha loo sheego in dalku hal madaxweyne leeyahay oo waxkasta oo jira uu si toos ah ama si dadban ugu shaqo leeyay. Haddii uu sidaa aammini waayana ha loogu dharto si uu u aammino.

7- Labadooda oo wada jira shir jaraadid ha wada qabteen si dhagihii xumaanta ka dhargey wanaag ugu raaxaystaan.

8- Markii nabad-galyada la sugu shaqada u horreesa ee la qabtaa ha noqoto Maxkamaddii dastuurka oo la dhiso iyo qodobada laysku hayo oo lifaaq dheeri ah laga soo saaro.

9- Markii hawlahaas oo dhan la dhameeyo, M/weynuhu casho martiqaad ah, oo laysku dhun-dhunkado ha sameeyo, cashadaa magaceedana ha loo bixiyo WAR XUMOW LAGU WAA.

10- Qofkii cashadaas ka dib gunuunuca, waa nacas waana takooran yahay.

Nin wax qoray isagaa is-qoray.

Madaxa Rugta Maskaxda

Khalif Ashkir Diini
Email. Khalifashkir35@hotmail.com
Tel 44 7984 973 905
26/11/14.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com