MAQAAL: XALKA QARANKA SOOMALIYA OO LAHELAY…

0

Dalka soomaaliya hadaan wax yar dib u jaleecno taariikhdiisa, waa dal qadiim ah dadkiisuna uu yahay dad caan ku ahaa arima farabadan oo dunidu qiimayso.Soomaalidu waxay ahaan jireen geesiyaal, waxay ahaan jireen run sheegayaal, deeqsiyaal,waxay lahaayeen han qab iyo xarago badnaan.marti soorayaal, ilaaliya xuquuqda caruurta,dumarka,waayeelka,oo ay u yaqaanaan BIRI MAGAYDO. Soomaalidu waxay ahaayeen dad diinta aad u jecel oo boqolkiiba boqol islaam dhab ah ahaa, waxayna ahaayeen dalkii uugu horeeyay caalamka ee qaata diinta islaamka sitoos ah.waxaana yaab lahaa in sucuudiga dhexdiisa oo aysan diintu wada gaarin ama aan wada qaadan ay soomaalidu qaateen islaamka oo xataa madiina ka hor ay soomaalidu noqotay islaam ayadoon dhulkeena lagu tilmaamay ardulxabash.
 
Soomaalidu diinta si xor ah ayay ku qaateen halka carab oo dhan dhiig badani ku daatay.soomaalidu iyagaa diinta markay qaateen gaarsiiyay inta badan afrika oo dhan.ayagoo ku safrijiray gaadiidka awrta iyo fardaha oo nidaam xernimo ah u socon jiray afrika dhexdeeda gees ka gees. xaga quruxda dunidu way isku raacday in ilaahay usuureeyay soomaalida qaab dhismeedka uugu wanaagsan noocyada aadamaha siiyayna midab ugaar ah oo aysan jirin cid lawadaagta carab iyo cajab cadaan iyo madaw!! hadaad ufiirsataan majiro cid la qurux ah soomaalida.
 
Dhul wayn baa ilaah siiyay oo leh laba badood waxayna isku xiraan afrika iyo asiya waana meel dhulbaraha maro oo ah bartamaha caalamka ama dhulka oo dhan, waana nasiib aad u wanaagsan halka ilaahay ku beeray soomaali. waa dhul wayn oo leh bado wabiyo iyo bari leh xoolo beero iyo shidaalka ama dheemanka madoow. 3 qaybood weeye soomaali bulsho ahaan oo kala ah sidan.
 
1.bulsho xoolo dhaqato ah
2.bulsho kaluumaysato ah
3.bulsho beeraleey ah
 
dhulka soomaalida oo ah kan dawladaha  afrika uugu wayn marka laga reebo suudaan ayaa loo qaybiyay 5 qaybood si aysan u noqon mustaqbalka dawlad islaam ah oo xoogleh oo ka dhisan afrika taasoo awood u heli doonta inay afrika mideeyaan oo xukumaan kadibna caalamka kale khatar galinkara macnaha xaga siyaasada iyo dhaqaalahaba. dadka soomaalida ah waa dad isku isir ah waa hal dir oo wada dhashay isku diin ah isku midab ah isku af ah markaa waa lakala qaybiyay xoogoodii. labadii xorta ahaa ee udanbeeyay ee ahaa jamhuuriyada dimuquraadiga ee soomaaliya waa laburburiyay oo laga dhigay meel aan waxba ka jirin oo nin walbaa suudoono kayeelo dantuu doonana ka fushado gaalo iyo muslimba.
 
Hadaan usoo noqdo mawduuca cinwaanka, soomaaliya waxaa looga talin jiray Mogdisho oo ahayd barta kaliya ee laga helo qofkasta oo soomaaliyeed ee kayimid gobol dagmo iyo tuulo kasta oo kamid ah gayiga soomaaliyeed halkan oo uu ku midaysnaa qarankii soomaaliyeed qofkasta oo soomaaliyeedna uu kaheli jiray xuquuqdiisa xoriyadeed,shaqo,wax barasho,caafimaad,dagaan isagoo xor ah oo cid ka sheeganaysaa jirin waa loo dhamaa. markay burburtay dawladii dhexe ee dalka isku haysay fadhigeeduna ahaa Mogdisho ayaa waxa u haray halbeel oo kamid ah beelaha soomaaliyeed.dadkii soomaaliyeed waxaa lagu kala qaybiyay dhibaato qabiil oo sixun loo adeegsaday oo sokeeye iyo shisheeye hurinayaan.dagaalo sokeeye ayaa dadkii lagaliyay oo reerba reerka kale loogu sheegay cadaw wayna isbaabi iyeen dalkiina wuxuu noqday baylah aan cidina dan kalahayn.
 
Waa lakala aamin baxay oo Caasimadii MOGDISHO beesha ku soo hartay waxay cabsi wayn ka qabtaa in haday soonoqdaan beelaha kale ee soomaaliyeed iyaga la qabsanayo, oo aaminkiibaa ka dhumay, mana laha wax kalsooni ah haba yaraatee. tani waxay keentay in ay dawladi inay MOGDISHO ka shaqayso la diriraan waligoodba hadii kale khatar bay ku jiraan siday u arkaan.beelihii soomaaliyeed ee ka qaxay MOGDISHO ma iman karaan oo ma aaminayaan shaki bay ka qabaan oo waxay ka baqayaan in marlabaad lagu dhibaateeyo oo la qixiyo markaa aamin ma qabaan mana arkaan dawlad rasmi ah oo amaanka sibuuxda u hayso oo laysku haleeyo markaa naftooda waligood kuma aaminayaan MOGDISHO danbe. shisheeyuhu wuxuu aad ukala fogeeyay oo sii huriyay walaalihii soomaaliyeed oo reero iyo jifooyin u sii kala qayb qaybshay oo isaga dhigay cadaw. shaydaankuna waa dhib badan yahay umada waa kala geeyaa.
 
Madaxwaynihii iyo golihii wasiiradii iyo golihii baarlamaanka suuro gal uma aha inay MOGDISHO ku shaqeeyaan wadamada galbeedku waa ogyihiin sidaa daraadeed si ay soomaali uga lugbixin waxay dalkeena keeneen ciidamo shisheeye oo ay inaga dhaadhiciyeen dawladiina iyo baarlamaankiina ayaan ilaalinaynaa!! waxaana ka ilaalinaynaa shacabkiina. way ogyihiin in sidan aan dawlad lagu noqonin. hadaba soomaali dib haysugu noqoto oo ha iswaydiiso xagee dawladi ku shaqayn kartaa haba ahaato dawlad xune? waa doqonimo wayn in aad tiraahdo guuran maayo oo dumar lakulmi maayo ee rabaw isii caruur aan dhalay!! nacam rabi waa kusiin karaa shaki malaha in uu awoodaas leeyahay balse xujo la imoow kadibna rabi talo saaro oo dheh aloow isii ubad. dawlad baan rabaa iyo meeshii ay ku shaqayn lahayd oo suuro gal ah gayn maayo aqli maha. aad ugu fiirsada cabdiqasim waa shaqayn waayay,cali mahdi waa shaqayn waayay,cabdullahi yusuf waa shaqayn waayay,sheikh shariif waa shaqayn waayay,xasan sheikh waakan gurigiisa kasoo bixi la shaqo daayoo. macnuhu maha ragan oo dhami inay xun yihiin ama ay iyagu wax wadi waayeen ee dhibku waa MOGDISHO oo ah meel aan dawladi sina uuga shaqayn karayn dhab ahaan.
 
Xagee soomaali isugu timaadaa siday waayo hore isugu tagtayba MOGDISHO? suuro galmatahay dhulkeenu wuu wayn yahay ee inaan magaalo kale dawlada dajino oo aan shisheeye ina orankarin dawladiinaan wardiyaynayaa isagoo dhab ahaan dano guracan leh sida hada muuqataba? meel dawladi ku shaqayn karto si xor ah lagama waayin dalkeena tanoo aynu kaga bixi lahayn dabinka shisheeye dalkeena ku burburiyay ee uu dadkeenii isagoo qabiil inoo soomaraya inagu baabashay si rajo beel nimo ah. dhulka soomaaliyeed soomaalibaa iskaleh mana aha inaan kala jeclaano goboladiisa dagmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa marba haduu yahay dhul soomaaliyeed aqligu iyo wadaniyaduba waa sidan dhab ahaan.
 
Mogdisho way ku haboonayd caasimad laakiin dhib baayimid iyo mushkilad cad oo u baahan in la xaliyo dhibkan ayaa keenaya in aan ka wareegno oo meel kala caleemo saarano waa in sidaa loo fahmaa oo khiyaaliga laga baxaa. hadaynu soomaaliyeey badali wayno caasimada waxaad ogaataan in uu hirgalayo qorsha ah in Eithiopia iyo Kenya dalkeena inta hartay kala qaataan hana layaabina oo shalay bay kala qaateen OGADENIA AMA SOMALI GALBEED IYO NFD marka maxaa udiidadaya siday shalay kaaga qaateen in maantana kaaga qaataan!!! waxaana garab siinaya reer galbeed oo ah kii shalayba siiyay dhulkeena.
 
                                                               XAGEE CAASIMAD HADA AAN U DOORAN KARNAA
Wax mashaakil ah malaha jawaabtu waa meelkasta oo aan MOGDISHO ahayn hadaanse siday ilatahay tilmaamo meelaha aan isleeyahay amay aad ugu sii haboonaan lahayd waxaa kamid ah.


BALAD WAYNE
CEERGAABO
BARAAWE
BAYDHABO
HOBYO
 
Aduunyadu dawlado badan baa saad ogtihiin kaguura caasimadooda qaadiimka ah oo uguura meel cusub ayagoo u arka maslaxada dalkooda.soomaaliyeey maxaa inga qaaday fakarka oo aan u abaari waynay mashaakilkeena xalkiisa? maxaynu isu galinaynaa guumaysi iyo dulinimo? xalku waa dhib yaryahay waa caasimada oo labadalo oo la dago meel dawladu inoogu shaqayso oo wasiirku iyo madaxwaynuhu xafiiskiisa si xor ah u aado shaqdiisana u guto asagoo aan shisheeye ilaalin sida hada maamul goboleed yada madaxdooda aan shisheeye u ilaalinayba ee ay xorta u yihiin. war waa idin sidee soomaaliyeey miyaydaan fakarayn? miyaydaan dareemin shirqooka aynu galay? dabargoynta iyo dhaxal wareega dhulkeena miyaydaan dareemin? waxaa loo bahan yahay go aano adag in lagaaro si dalka loo caymiyo maha sheeko maanta jifo hebal iyo beel hebal in lagu mashquulo oo laga fikiro arinka dalkeenu waa halis doqonise waa moog.
 
 Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail..com

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com