XOG: CABDI WELI oo ka faa’iideystay maqnaashaha Xasan (Maxaa cusub?)

0

Wararka laga helaayo aqalka uu R/W C/Weli Sheekh ka degan yahay magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanaayo mas’uuliyiin ka kala tirsanaa labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Ilo-wareedyo ka ag-dhow dhow R/W C/weli, ayaa inoo xaqiijiyay in C/weli uu qorsheynaayo inuu dib ula soo laabto taageeradii uu ku dhex lahaa Xukuumada iyo BF Somalia ka hor inta uusan dalka dib ugu soo laaban Madaxweyne Xasan.

Ilo-wareedka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in R/W C/weli uu muujinaayo dadaalo uu ku kasbanaayo xildhibaanadii ka go’ay ee ku biiray garabka Xasan Sheekh, iyadoona uu iminka wado kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanaayo garabyada kasoo horjeeda iyo Odayaasha beelaha Hawiye.

Odayaasha uu kulanka la qaatay ayaa waxaa kamid ah Beelo ka tirsan Hawiye, Digil iyo Mirif iyo kuwa kale oo miisaan ku dhex leh Siyaasada dalka.

Ujeedka kulamadaasi ayaa lagu sheegay inuu yahay dib ula soo laabashada kalsoonidii kala dhaxeysay Wasiirada, Xildhibaanada, si uu uga bad-baado duufaanada Siyaasadeed ee laga soo Afuufaayo Villa Somalia.

Dhanka kale, waxaa suuragal ah in mudada kooban ee uu maqan yahay Madaxweynaha uu R/W C/Weli dib ula soo laabto kalsoonidiisa walow ay jiraan caqabado hortaagan, oo ay adkaan doonto inuu yareeyo gaabka taageere ee u dhaxeeya isaga iyo Xasan Sheekh.