Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho aya waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud oo dagaal ba’an kula jira R/Wasaare Cabdiwali Sheekh ayaa waxaa uu gaarsiiyay Khilaafka u dhexeeyay meel aad u xun waxaana uu u hanjabay Odayaal Dhaqan oo ka soo jeeda Beesha Abgaal oo doonayay in ay la kulmaan R/wasaare Cabdiwali Sheekh.
Ilo waereed si aad ugu dhow xafiiskaMadaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si sarbeeb ah ugu digay odayaasha, isaga oo u sheegay inay cawaaqib aan wanaagsaneyn ka dhallan karto haddii ay u tagaan R/wasaare Cabdiwali Sheekh.
Arrintan ayaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii qaar ka tirsan odayaasha oo iskood isu xilqaamay bal inay isku dayaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Cabdiwali waxa ayna ka codsadeen inay la kulmaan.
Sida la sheegayo Madaxaweynaha ayaa odayaasha beeshiisa u sheegay inay tahay arrin wanaagsan in xilligan ay dhex dhexaad ka noqdaan khilaafka ka dhex taagan madaxda sare ee dalka marnabana aysan u tagi karin R/wasaare Cabdiwali Sheekh.
Isku soo wada duuboo Odayaasha ayaa Digniin kala kulmay Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad sugida qaranka oo si Qabyaalad ku saleysan u tageeraya Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com