Eng. C/llaahi Cali Canshuur oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada Hoose ee Muqdisho ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Hodan, xilli uu ku sii jeeday aqalkiisa.
Kooxo Hubeysan ayaa marxuumka dilay, isagoo watay gaarigiisa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gaarigiisa ay qaateen kooxihii hubeysnaa.
Marxuumka dhintay ayaa waxaa uu qabay haweenay caan ah oo u dhaq dhaqaaqa arrimaha xuquuqda dumarka oo lagu magacaabo Xaliima Yarey .
Xaliima Yarey ayaa ka mid ahayd wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee xalay soo gaaray Denmark si ay uga qeyb qasho shirka New Deal ee Soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegayaan in saaka waaberigii ay u dhooftay Xaliimo Magaalada Muqdisho si ay uga qeybgasho aaska ninkeeda.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamuud Xuseen (Muungaab) ayaa racsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa nin wadani ah oo dalkiisa dib ugu soo laabtay si uu uga qeyb qaato dib u dhiska dalka.
Muungaab ayaa tilmaamay in ciidamada amniga looga fadhiyo inay sameeyaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyay falkaas, si cadaallada loo geeyo.
Allaha u naxariistee Eng. C/llaahi Cali Canshuur ayaa ka mid ahaa muwaadiniintii dalka dib ugu soo laabtay, isagoo in muddo ah ku noolaa dalka Mareykanka, waxaa uu ka qeyb qaatay howlo dib u dhis ah iyo dayactiro lagu sameeyay xarumo kala duwan oo ku yaal magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hada Booliska Soomaaliya wax war ah kama soo saarin dilka Marxuumkan oo qeyb ka noqonaya dilal taxane ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho