Muqdisho, AGGM: Warar hoose oo Allgalgaduud ka helayso Madaxtooyadda ayaa sheegaya in RW C/wali Sheekh Axmed uu ku gacan-sayray Codsi ay u gudbiyeen Wasiiro gaaraya 16, kuwaasi oo ka codsaday inuu Xilka iska-casilo.
RW C/wali ayaa ugu digay Wasiiradda inay soo dhexgalaan Khilaafka isaga & Madaxweynaha u dhaxeeya, isagoo intaasi ku daray hadalkiisa in marna aqbali doonin Is-casilo, uuna wadi doono Halganka uu wado ee uu isku-difaacayo.
Wuxuu sheegay in Khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha uu yahay mid aan Sharciga waafaqsanayn, isagoo ku eedeeyay Xildhibaanada & Wasiiradda u ololeynaya in la rido Xukuumadiisa ay jebinayaan Sharciga dalka.
Shalay ayay ahayd markii 16 Wasiir ay saxiixeen Codsi ay uga dalbanayaan RW C/wali Sheekh Axmed inuu Xilka ka dego, si looga gudbo Caqabadaha horyaalla Howlaha Dowladda ee ugu weyn Khilaafka jira.
Sidoo kale, Xildhibaano ayaa soo jeediyay in Xalka dalka uu ku jiro in Xafiiska uu isaga taga RW C/wali Sheekh, mar haddii uusan la shaqeyn karin Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxa’uud.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com