Xukuumada Washington oo jareysay Taageeradii Dowladda Somalia

0

Beesha caalamka ayaa luntay kalsoonida ay ku qabaan xukuumada somaliya,markii uu soo ifbaxay Khilaafka hareeyay Madaxda dalka somaliya.

sarkaal ka tirsan QM oo diiday in magaciisa la xigto,sababo la xiriira isagoon aan  loo fasaxin in si guud uu u hadlo,ayaa waxaa uu sheegay in QM ay ku hanjabtay in ay militeriga somaliya ay ka joojin doonto dhaqaalaha ay ku bixiso.

Safaarada Maraykanka ee Somaliya ayaa walaac ka muujisay todobaadkaan jahwareerka siyaasadeed ee dalka somaliya.

Xukumadda Washington ayaa  toddobaadkan ku dhawaaqday in aysan ka qeyb geli doono shir caalami ah oo ku saabsan Somalia todobaadka soo socdana ka dhici doona dalka  Denmark.

EJ Hogendoorn, oo ah khabiir Qaarada Africa ka soo jeeda oo ka tirsan Gudiga Masiibooyinka Caalamka  ayaa yiri “ haddii aad dooneyso in aad taageero ka hesho Mareykanka,waa in aad dhibaatooyinka noocaasi ah aay iska joojisaa.