Xog:Baarlamaanka Federaalka Oo Fadhiisanaya Maalinta Sabtida Ah Iyo Mooshinkii Oo Sidiisi U Taagan…

0

Muqdisho AGGM:Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ay isugu imaanayaa fadhigooda Xarunta Golaha Shacabka Maalinta Sabtida ah ee soo socota…

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in fadhigana maalinta Sabtida ah ee Xildhibaanada uu ka duwanaan doono kii maalinti Talaadada ahayd ay yeesheen.

Fadhigii maalinti Talaadada ee Xildhibaanada ayaa waxa uu ku soo idlaaday buuq iyo faro isku taag, taa oo sababtay in Gudoonka Baarlamaanka uu si deg deg ah u joojiyo Kulankaas.

Ilo wareedyadeena ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in Mooshinki kulanki hore dhaliyay buuqa uu weli sidiisi u taagan yahay islamarkaana maalinta Sabtida ah uu halkiisi kasii socon doono, halka Ilo wareedyadeena dhinaca kalena ay sheegayaan in haddii Mooshinka la keeno waxii maalinti Talaadada ahayd ka dhacay Golaha Shacabka wax ka xun inay dhacayaan.

Dhinaca kale ilo wareedyadeena ka madaxa banaan dhinacyadan is haya ayaa waxa ay iyaguna sheegayaan in Xildhibadan Mooshinka wada iyo kuwa Diidan aysan aragtidooda kala fogeyn, balse uun layska doonayo balan qaadyo iyo dhaqaale xoogan haddii intaas la helana ay hoowsha kusoo idlaan doonto sida uu Madaxweyne Xasan Seekh doonayo..

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeyn halka Khilaafka Mooshinka uu saldhigan doono waloow Xildhibaanadan iska soo horjeeda ay hal mid ah isku raacsan yiihiin ama ka mideysan yihiin taas oo ah in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasare Cabdiwali Sheekh aysan marnaba suuragal ahayn inay dib dambe u wada shaqeeyaan.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allglgaduud Media
allgalgaduud@gmil.com