Kismaayo, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xabsiyada ay sida gaarka ah u leeyihiin Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ka buux dhaafiyeen dad shacab ah oo daganaa Magaalada Kismaayo..
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku daraya in dadkan ku xiran xabsiyada magaalada Kismaayo laga soo qab qabtay guryahooda oo ku kala yaalay guud ahaan xaafadaha magaalada Kismaayo.
Ilo wareedyada Warbaahinta Allgalgaduud Media ee ku sugan gudaha magalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dadka lagala soo baxay gurayahay ka daganaayeen magaalada Kismaayo, ma ay jiraan cid ay ku duuleen amaba ay wax u geeysteen, waxa kaliya oo loo soo xir xirayna waxa ay tahay waa kadib markii maleeshiyaadka Maleeshiyo beeleedkan Raaskambooni ay ku soo jabeen furimihii dagaalka waxa ay caro kala dul dhaceen dadka birmageydada ah ee dagan magaalada Kismaayo, sida la filayana sadex mid ayay noqon, cidii awooda inay iska bixiyaan lacag ayaa lagu soo sii daynayaa, cidaan awoodina mudo ayay canaadayan waase iska soo sii dayn ugu dambeynta, inta hartana hadde waad garankartaan waxa loola harayo”….. sidaa waxaa yiri il wareedkeena ku sugan magalada Kismaayo…
Dhinaca kale waxaa xoriyadiisi dib u helay maanta saacado ka hor Ganacsade Cabdirashiid Raage (Ma Qadeeye) oo xalay ay qaar ka mid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni gurigiisa kala baxeen, waana uu nabad qabaa oo ma aysan soo gaarin wax dhibaato ah.
Isku soo wada duuboo dilka, afduubka, xariga, kufsiga, jirdilka iyo barakicinta baahsan ayaa waxaa caado ka dhigtay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, welina ma ay jiraan dowladd iyo hay’addo kala xisaabtama Raaskambooni dhacdooyinkan xanuunka badan ee wehelka u noqday shacab gobolka Jubbada Hoose.
Isha Ku Hay Allglgaduud Media
allgalgaduud@gmil.com