Maamulka gobolka Banaadir oo shacab ka saaray xaruntii Fanka iyo Suugaanta

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bur-burin ku sameeyay aqalo dad shacab ah ay ka dhisteen Xaruntii Akadheemiyada fanka iyo suugaanta oo ku taalo Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.  Howlgalkaan lagu bur-buriyay guryaha dadka shacabka ah ay daganaayeen ayaa waxaa fuliyay ciidamada Minashiibiyada dowladda hoose ee Xamar oo amar ka haysta Saraakiisha Gobolka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko ayaa saxaafadda u sheegay in ujeedada dadka shacabka ah dhismooyinka looga bur-buriyay ay tahay in dib loo soo nooleeyo xaruntii Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta. 

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com