DHAGEYSO:- Wararkii ugu danbeeyay ee Wariyihii lagu qarxiyay magaalada Muqdisho

0

Waxaa soo hagaageysa Xaalada Caafimaad ee Wariye Nuurre Maxamed Cali oo xalay lugtiisa Midig  ku waayay Qarax loogusoo xiray Gaari uu watay kaasi oo ka dhacay isgoyska KM4.

Nuurre ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina ,iyadoona Lugta Midig laga jaray kadib markii uu dhaawac culus kasoo gaaray.

Ilaa hada lama oga sababta loo beegsaday Wariye Nuurre oo kamid ahaa Suxufiyiintii kasoo shaqeeyay Radio Kulmiye.

Hadaba Wariyaheena Cumar Xasan Cali ayaa qadka Taleefanka kula xiriiray Nuurre Maxamed isagoo wax ka weydiiyay Saaka sida ay tahay Xaaladiisa Caafimaad.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com