Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari uu saacadaha soo socda xafiikiisa kullan kula qaadan doono Xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in kullankan u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed lagu lafa guri doono meel marinta mooshinka ya soo gudbiyeen.
Xildhibaanadan ayaa waxa ay ku doodayaan marba haddaysan suurogalayn in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay wada shaqeeyanaa in R/wasaaraha uu baneeyo xafiiska maadaama ay dib u dhac u keeni karto hiigsiga 2016.
Waxaan la saadaalin karin waxa kasoo baxaya kullankan ay leeyihiin saacadaha soo socda Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com