Dhageyso:Koox Ku Hubeysan Tooreeyo Oo Haweeney Ku Dilay Magaalada Muqdisho…

0

Muqdisho, AGGM: Koox ku hubeysnaa Mindiyo ayaa waxay xalay ku dileen Xaafad ku taalla Magaalada Muqdisho Haweeney ka mid ahayd Shacabka dadka deegaanka.

Marxuumada la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Hodan Yuusuf Mire waxaana dilkeeda geystay baa la yiri 3 nin oo mindiyo sitay sida ay dadka deegaanka sheegayaan.

Qof ka mid ah shacabka deggan Xaafada Jaamacadaha ee Degmada Hodan ayaa sheegay in haweeneyda la dilay taleefoonkeeda laga soo wacay markii ay utagtayna ay tooreyo ku dhufteen.

Marxuumada ayaa meydkeeda loo qaaday saaka Xarunta Dembi baarista CID-da Soomaaliya waxaana ay ka tagtay labo carruur ah lamana oga waxyaabaha loo dilay haweeneydaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@ail.com