Wasiirka dhalinyarada oo shir uga qeyb galay Azerbijan

0

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya mudane  Khaalid Cumar Cali oo   dalka Azerbaijan  kaga qeyb-galay shir  caalami ah  oo looga hadalayey sameynta siyaasada  guud   Dhalinyarada caalamka,kaasi oo ay ka qeyb galaeen madax ka socday  165  Wadan  oo uu Soomaaliyana  u matalayey Wasiirka Dhaliyarada Iyo Ciyaarha  Khaalid waxaana shirka lagu qabtay magalada  Baku  xarunta Wadanka Azerbiajan kaas oo la qabtay 28 – 30  bishii   October   ayaa maanta  dalka  dib  ugu soo laabtay   waxana garoonka diyaradaha  ku soo dhoweyey qaar ka mid ah  howl wadeenadda  Wasaaradda.

Wasiirka  Dhalinyarada iyo  Ciyaaraha Soomaaliya  mudane  Khaalid Cumar Cali oo war baahinta kula hadalay qeybta nasashada  garoonka  diyaardaha   magacalada Muqdishoo   ayaa  sheegay in  shirkaasi gaba gabadii laga soo saaray war murtiyeed  sheegaya in shan dalka oo Soomaaliya ay ku jirto laga taageero sameynta Siyaasadda Dhallinyarada Wadamadooda, taas oo Soomaaliya ay ku mutaysatay dadaalada ay sameynayso Wasaaradda Dhalinyarada Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Dhalinyarada  iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada qorshe  lagu sameynaayo Siyaasadda Dhalinyarada Soomaaliyeed  isla markaana    ay ku soo dhameystirto sanadka soo socoda ee 2015  bisha May  15 keeda.

Mudane  Khaalid Cumar Cali Wasiirka Dhalinyarada iyo  Ciyaaraha   Xukuumada Soomaaliya  ayaa sheegay  in ay heshiis la galeen Hay’ad Caalami ah oo Wadamada Caalamka ka taageerta dejinta Siyaasadda Dhalinyarada, iyadoo sidoo kale ay Wasaaradu wada tashi ku aadan arrintaasi la yeelan doonto Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahan cidda ay quseyso.

Shirkan ayaa wajigiisa labaad lagu qaban doonaa Dalka Kuwait iyadoo lagu falan qeyn doona waxyaabihii ka qabsoomay yaboohii shirkan loogu balan qaaday shirkan lagu qabtay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.