Careys Maxamed Xaaji Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka hadlay saameynta khilaafka hishiiskaasi uu ku yeeshay qorshihii dardarta ku socday ee maamul u sameynta gobolada dhexe.
Afhayeenka ayaa sheegay in arintaasi saameyn weyn aysan ku yeelan, laakiin ay jiraan dib u dhac yar oo ay dareemeen markii hishiiska la kala saxiixday.
Laakiin wuxuu cadeeyay in gudiga maamul u sameynta gobolada dhexe ay si wanagsan howlaha u wadaan islamarkaana aysan marnaba u hakan doonin khilaafka ceynkaasi oo kale ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com