DHAGEYSO:- Xeer ilaaliyaha Qaranka oo digniin adag u diray Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa wuxuu digniin adag u diray Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee heshiisyada la gala Hay’adaha shisheeye ee dalka iyo dibadiisa ku sugan.

 

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa wuxuu sheegay in hada kadib aan la iska yeeli doonin in Wasiir ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya hanti ka dhaxeysa qaranka Soomaaliya uu heshiisyo kula galo Hay’ado shisheeye.

 

“Wasiir kaligiis xafiiskiisa ama Hoteelkiisa ku saxiixa qandaraas hanti dowladeed ah, waa in sharciga la waafajiyaa, wixii labo boqol iyo kontan gaaraayo waa in Wasiirada la horgeeyaa oo ay ansixiyaan, la iskama yeelaayo in sharciga la hareer maro”Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

 

Axmed Cali Daahir, ayaa sidoo kale sheegay in hantida qaranka ay tahay mid ka dhaxeysa umadda Soomaaliyeed, hada kadibna la sameynaayo dhamaan heshiisyada lala galay hay’adaha shisheeye in Xeer ilaalinta qaranka ay dabagal ku sameyn doonto sharci ahaanshahooda.

 

Isaga oo hadalka siiwata ayaa wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya faray inay dhaqangeliso dhamaan sharciyada dalka u yaalo ee Baarlamaanka ay ansixiyeen, maadaama loo baahan yahay dhaqangelintooda.

 

Dhawaan ayeey aheyd markii Guddoonka Baarlamaanka dalka Soomaaliya uu si adag u sheegay inaan la iska yeeli doonin in Wasiir kaligiis uu go’aan ka gaaro hanti qaran oo uu heshiis kula galo Hay’ado shisheeye, xilli dhawaan muran adag iyo dood ay ka timid heshiis lala galay shirkad Turkish ah oo Dekada Muqdisho lagu wareejiyay.

 

Wasiirada Xukuumadda ayaa xilliyada ay dalalka dibada aadaan, waxa ay heshiisyo lasoo galaan Hay’ado shisheeye, heshiisyadaasi oo badankooda Baarlamaanka dalka aysan waxba ka ogeyn.