Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Paris,Islamarkaana Booqday Safaarada Soomaaliya:-War-Saxaafadeed+Sawirro

0

Paris: October 14, 2014- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey magaalada Paris, ka dib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga xiriirka ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada Difaaca, Amniga iyo Horumarinta.

Madaxaweyanaha waxaa wafdigiisa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cabdiraxman Beyle, Wasiirka Difaaca, Maxamed Shiikh Xaamud, la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga, Cabdiraxman Shiikh Ciise iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay galabta booqdeen Safaaradda Soomaalida ee magaalada Paris.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Siciid Faqi ayaa ku tilmaamay in ay tahay markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Faransiisku ay si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya 1991. Taasina waxay muujineysaa isu soo dhowaashaha Soomaaliya iyo Faransiiska iyo sida uu hadda caalamku ugu soo jeestay in uu iskaashi dhinacyo badan leh la sameeyo Soomaaliya.

—Dhamaad—

1 2 3 4 5 6 7