Stockholm, AGGM:Ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxa ay sheegayaan in kulan dhexmaray qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas iyo R/wasaaarihi KMG Prof. Cali Maxamed Geedi oo dhawaan safar ku tagay dalkaas inuu sheegay in Madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ay iyaga rideen islamarkaana Madaxweynaha hadda haya talada Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyaga ay keensadeen.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Prof. Cali Maxamed Geedi uu sheegay in Cabdiwali Gaas ay siiyeen lacag gaareysa 700, 000 oo doolar si xukunka looga tuuuro Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Faroole, taasna ay sabab u ahayd in uu Cabdiwali Gaas uu ku guuleeysto doorashada Puntland.
“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir Faarax Cabdulqaadir ayaa u diray lacagta $700,000 (Todoba Boqol Oo Kun Oo Doolar) ee uu ku galay doorashada, Cadbiwali Gaas abaalkaan u galnay waxuu noogu badalay inuu yiraahdo dowladda dhexe xiriirka ayaan u jarnay” waa sida uu u yiri hadalka Prof. Cali Maxamed Geedi
Prof Cali Maxamed Geedi ayaa waxa kale oo uu u sheegay ka qaybgalayaashi kullankaas in xiriirka u dhexeeya Majeerteen iyo Abgaal uu ahaa mid soo jireen ah, haddana la doonayo in dib loo soo cesho islamarkaana la saxo waxii qaladaad ah ee jira ama dhacay.
Dhinaca kale Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu sheegay in dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqan doono Puntland, sidoo kalen ay jiri doonaan kullamo dalka dibaddiisa ay ku yeelan doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas, Kullamadaas oo uu sheegay inay wadamo kala duwan ka dhici doonaan inta aan la gaarin dhamaadka sanadka 2014.
Isku soo wada duuboo ka qaybgalayashi kullankaas ayaa markii ay dhageeysteen amaba maqleen khudbada Prof. Cali Maxamed Geedi uu ka jeediyay madashaas waxa ay ka muujiyeen shucuur kala duwan oo xataa waxaa iminka jira buuq iyo kala shaki soo kala dhexgalay Jaaliyada Puntland ee dalka Sweden.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com