DHAGEYSO:- Dowladda oo cambaareeysay falkii lagu dhaawacay Wariye Cabdirisaaq

0

Muqdisho, AGGM: Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Shalaylagu dhaawacay Agaasimaha Telefishinka Somali Chanel ee xafiiska Muqdisho Cabdirisaaq Jaamac Cilmi “Black” kaasi oo kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yiri “Weerarkii shalay waxa uu ahaa isku day lagu doonayay in lagu qaarijiyo Wariye Cabdirisaaq, kaasi oo ay kooxaha argagixisadu damacoodu-yahay inay ku aamusiyaan saxaafadda, maleeshiyo hubeysan ayaa weerarka geystay, laakiin Alle mahadiis dhaawac ayaa ka soo gaaray xagga caloosha”

“Wariye Cabdirisaaq waxaa iminka lagu dabiibayaa cisbitaalka Madiina ee Muqdisho, waxaana uu ka mid ahaa guddii farsamo ee dib u eegista ku sameeyay xeerka saxaafadda kaasi oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, waxaan u rajeynayaa in uu Alle bogsiiyo, kooxaha argagixisadu marna ma caburin karaan doorka ay saxaafaddu ka qaadaneyso horumarka dalka, waana sii xoojineynaa in aan bulshada u baahino xaqiiqda jirta”.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay baaritaanno cad ku sameyneysaa dadkii ka dambeeyay falkaasi si cadaalladda loo horkeeno, waxaana shacabka ka codsaneynaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo kuwa cadaaladda, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii falkaasi ka dambeeyay, si wada jir ah ayaan uga adkaan karnaa haddii aan sii xoojino isku duubnida iyo dadaalka loogu jiro horumarinta saxaafadda” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com