Muqdisho, AGGM: Kadib safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa soo ifbaxayay is marxabayn iyo dhabano iska dhunkasho u dhexeysa Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Cabdiwali, oo dadka Soomaaliyeed waxayba u qaateen in khilaafki Madaxda meesha uu ka baxay balse xaqiiqda waa ay ka duwan tahay sawirka aanu aragnay.
Ilo wareedyo ku dhow dhow xafiisyada Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Cabdiwali oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay inoo sheegeen in Khilaafki u dhexeeyay Madaxda dalka uu meeshii hore ee uu marayay meel ka xun uu iminka marayo.
Sidoo kale ilo wareedyadan ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa waxa ay sheegeen in Madaxda dalka aysan heshiin balse ay isla sugayaan in ay iska taqalusaan inta uu kasoo dhamaanayo shirka 19-20 Bisha soo socota ka dhacaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, waa haddii uu kasoo hormarin isku dhacooda in si dhab ah uu usoo shaacbaxo.
Shirka 19- ilaa 20 bisha soo socota ka dhacaya dalka Denmarka ayaa waxaa dowladda Denmarka waxa ay ugu deeqday Soomaaliya aduun lacageed oo gaaraya Laba Boqol Oo Milyan oo Karoon, oo dhiganta ku dhowaad $ 40 milyan oo doolar.
Isma Jeclin, Laakiin Afartan Milyan Mayara Waan Qaybsan Karnaa..
Shirkan ayaa waxaa Wafdiga dowladda Soomaaliya hogaamin doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas ayaana keentay in Moowshinkii ka dhanka ahaa R/wasare Cabdiwali dib loo dhigo ilaa uu Madaxweyne Xasan dhaqaalahaas meel soo saarayo kuna soo laabanayo dalka.
Dhinaca kale R/wasaare ayaa isagana dhankiisa waxa uu wadaa dadaal uu ku doonayo inuu iska badbaadiyo Mooshinkaas amaba uu salafado Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay isku mar meesha ka baxaan, waloow ilo wareedyadan ay sheegeen in ay tahay fursaddaas uu rajeenayo R/wasaaraha mid aad u yar.
Isku soo wada duuboo dhabana iska dhunkashada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ma ay ahan mid ay ku muujinayaan inay si dhab ah u heshiiyeen amaba ay ugu daneenayaa dalka iyo dadka ee waa miday beesha Caalamka uga bislaysanayaan DOOLARKA laga helayo shirka Copenhagen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com