Sanad kadib markii dooni ay la socdeen inka badan 500 ruux oo ka tagay waqooyiga Africa ay dooni kula quustay xeebaha Talyaaniga gaar ahaan Lampedusa, ayaa wadamada midowga Yurub waxay yeesheen shir arintaasi looga hadlayay.
Kulankaasi ayaa ka dhacay magaalada Luxembourg ee dalka Holland, waxaana lagu qorsheeyay qaababka looga hortagi karo dhibaatada dadka tahriib doonka ay kala kulmaan biyaha ay ku socdaalayaan.
Wasiirada cadaalada iyo arimaha gudaha Midowga Yurub ayaa kulanka oo labo maalin soconaya, waxay diirada ku saarayaan arimaha dhanka xuduuda iyo dadka wax tahriibuyaha iyo in dadka laga caawiyo sidii deegaan looga dhigi lahaa wadamada ay kasii gudbaan.
Midowga Yurub ayaa sheegay inay ka go’an tahay sanadkaan inay qaadaan inka badan 15,000, sanadkii 2012 waxaa gaaray wadamada Yurub 5000, laakiin waxay isku raaceen in la xakameeyo dadkaasi.
Hayadaha xuquuqda aadanaha ayaa horay u cambaareeyay in wadamada Yurub aysan xaqiijinin xaalada nolosha dadka tahriibayaaasha ah.
War qoraal ah oo kasoo baxay hayada xuquuqda aadanaha ayaa horay loogu sheegay in wadamada Yurub ay iska indha tireen wax u qabashada dadkaasi.