Muqdisho, AGGM: Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo ay wehliyaan xubno katirsan Barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo gudiga maamul u sameynta gobollada dhexe ee Mududg iyo Galguduud ayaa maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galguduud iyagoo maalmahan ku sugnaa degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud,
Wafdigan ayaa waxaa soo dhaweeyay gudoomiyaha degmada Guriceel Cusmaan Ciise nuur,qeybaha bulshada degmadaasi iyo mas,uuliyiinta maamulka Ahlusuna wal-Jameeca sida uu kusoo waramayo wariheena Cusmaan Maxamed Aadan oo ku sugan degmadaasi,
xubnahan ayaa degmada Guriceel u tagey u kuurgelida xaaladaha kajira deegaankaasi iyo sidii bulshada kunool gobollada dhexe looga dhaadhicin lahaa inay taageeraan maamul u sameynta gobollada dhexe iyadoo dhawaan la filayo in ergooyinku ay iskugu tagaan degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan & Xeeb.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com