DEG DEG:- Shabaab Firxad ah oo ku yaacay degmada Jowhar

0

Jowhar, AGGM: Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamed Siyaad Cali (Canjeex), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in firxadka Shabaabka ay soo galayaan Degmadaasi Jowhar.

Taliyaha, ayaa sheegay in tan iyo markii Hawlgalka Badweynta Hindiya (Indian Ocean) uu ka bilowday Gobolka Shabeellaha Dhexe, ay dagaal-yahanada Shabaabku bilaabeen inay gudaha u soo galaan Degmadiisa.

Waxa kaloo uu sheegay in Booliska uu maalmihii ugu dambeysay hawlgalo ka fuliyay Degmada Jowhar, isla-markaana ay ku soo qab qabteen rag lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo qabteen niman gaar ah oo la tuhunsan yahay, kuwaa oo ay ku wareejiyeen Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Jowhar, isla-markaana ay baaritaano ku wadaan.

Canjeex oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa ka shanqariyay inay ka feejigan yihiin firxadka Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay jiraan hawlgalo ay si joogto ah kaga sameynayaan Jowhar, iyagoo ku xaqiijinaaya ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe), ayaa Isniintii sheegay in Shabaabku ay bilaabi doonaan inay ku firxadaan Magaalooyinka ay gacanta ku heyso Dowladda, si ay weeraro kaga fuliyaan, balse wuxuu sheegay inay ka feejignaan doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii sheegay inaan la hakin doonin hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, iyadoo uu ku sheegay mid awoodooda lagu wiiqaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com