MAQAAL: Midnimo. W/Q: Maslax Daahir Guure

0

Asalamu Calaykum, Salaan kadib waxan in la dagaayaa maqaal kooban oo ku saabsan midnimada iyo faa’iidada ay leedahay.

Illaayo 1991 waxa burbur baahsan ku dhacay hanaankii dowladnimo ee ummada soomaaliyeed waxad la socotaan in dhowr jeer laseemeyey dowlad kumeel gaar ah kuwaas oo waxbo ka socon waayeen, waxan in badan sugaynay inan ka baxno kumeel gaarka maanta oo laga baxay kumeel gaarkii waxa wali muuqata in wadankeenu usan cagihiisa ku istaagin.

Taas ayaa waxay igu dhalisay inan iswaydiiyo waxa maqan ama halka ay saantu ka quruntay, raadin iyo lafa-gur badan kadin waxa iso baxay in midnimadii ummada soomaaliyeed meesha ka maqan tahay, sidaas darteed waxaa muhiim ah in muhiimada midnimada laga haqabtiro ummada soomaaliyeed.

Maqaalkan waxa kaga hadli doonaa dhorw qodon oo aan kuso koobi doono macnaha muga wayn ee ku jira erayga midnimo.

Waa maxay midnimo?

Midnimo waa hal eray laakiin waxan oran karnaa waa eray mug weyn marka loo eego sharaxaadiisa, mana ahan wax hal maqaal ama qoraal lagu soo koobi karo.

Hadii aan muhiimada macnaha midnimo u gudubno wuxuu noqo nayaa sidan.

Hal ahaansho sidoo kale wa ku qeexi karnaa, Midnimo wa sababta keenta midowga caqliga iyo cududa taas oo dhex marka aadamaha iyo xayawaanka kale ee nool ba,

Midnimo waa aasaaska hormarka aadamaha waxayna tiir u tahay cadaalada iyo sinaanta taas oo mar walbo diinteenu na farayso.

Waa maxay faa’iidooyinka ay midnimadu leedahay?

Faa’iidooyinka ay midnimadu u leedahay noolaha wa ay balaaran tahay laakiin hadii aan xusno kuwa ugu muhiimsan waxan oran karnaa

Midnimadu waxay noolaha (dadka iyo xayawaanka) u horseedaa nabad iyo barwaaqo waxayna sabab u tahay inay ku wada noolaadaan nolol xasiloon oo colaadi ka maran tahay, waxa jirta maahmaah soomaaliyeed oo oranaysa ” Far kaliya fool ma dhaqdo”, waxan maahmaahdaas ka dheehan karna qof kaliya inuusan guul dhalin karin.

Waxa jirta tusaalooyin dhowr ah oo lagu so koobi karo faa’iidada midnimada, tusaalaha koobaad waxan uso qaadanaynaa Aboorka.

Aboorku waxa uu ku jiraa noolaha eebbe abuuray kuwa ugu yaryar ugana tabarta yar, balse midnimo darteed waxa suurto gal u noqotay inuu dhisto ‘Dudun’.

Abwaan Xaji Aadan “Af Qalooc” (Alle ha u naxariistee) waa halkii uu inooga hoga-tusaalaynaayey markii uu lahaa:

Aboorkuba allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne Markuu ururay daartuu abyeybaa la ashqaraaraaye Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane

Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteen.

Hadiiba aboor oo tabartaas leh uu dudun dhistan maxad moodaa, aadame isku biirshay awoodiisa iyo caqligiisa?

Jawaabtu waxay noqon kartaa, Hadii aanu midowno waxan gaari karnaa hami kasta oon leenahay sida aboorkuba hamigiisa u gaaray.

Sidoo kale shinida ayaa ah xayawaan midnimo kuso saaray sheyga dunida loogu jecel yahay kaas oo ah (Malabka).

Abwaan Mohamed Muumin ‘Ababe’ Aya tix gabay ah kuso koobay hormarka ay shinidu ku gaartay mid ahaanshaha ama midnimada.

Wuxuuna yiri

Shiniduba itaal maleh

Markay wada shaqaysana waataa malabka samaysee

Shixnadaha samaysee

Haamaha ku shubatee

Aadmigu shaxaadaan.

Mar uu xusayo wadamada hormaray ayuu wuxuu leeyahay

Ummahada shirkoobee

Xidigaha ku shirayana

Midnimeey shifeysteen.

Markaad dhuuxdo tixdan uu tiriyey abwaan “ababe” waxa ogaanaysaa midnimadu inay tahay laf-dhabarta noolaha nool ee Eebbe abuuray.

Sida abwaanku sheegayo malabkii ay shinidu midnimada kuso saartay aya waxa shaxaad u doontay aadamihii, taas oo runtii so koobaysa macnaha erayga midnimo.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha lagu midoobo?

Hadii ummadi meel wada dagan tahay waxa lagama maarmaan ah inay midoobaan si ay hormar iyo barwaaqo u gaaraan, hadaba si ay ummadaasi u gaarto hamigeeda waxaa loobahanyahay inay ku midoobaan dhowr waxyaabood oo aasaas u ah midnimada, waxyaabaha ugu horeeya ee lagu midoobi karo waxa ka mid ah

Diinta
Dhaqanka
Afka
Mowqifka
Nabada oo laga wada-shaqeeyo
Colaado oo lala wada dagaalamo.

Waxaa shaki la’aan ah hadii ay ummadi ku midowdo dhowrkaas qodob ee aanu kor ku xusnay iyo kuwo kale oo badan in ay gaari karaan midnimo dhab ah waarta. sidaas si lamid ah intaas hadii ay ka midoobi waydo waxa meesha ka baxayo midnimadii waxana suurto gal ah in ay meesha ka saaraan saaraan nabadii iyo xasiloonidii ay ummadaasi ku wada nooleyd.

Sidee lagu gaari karaa midnimo?

Waxaa midnimo lagu gaari karaa marka ay ummadu ku midowdo diinta oo qof kasta uu u bato dhanka cabsida Alle, sidoo kale dhaqanka ayaa qayb muhiim ah ka qaata midowga ummada wuxuuna sabab u yahay is-dhex galka bulshada oo runtii ah muuqaalka koobaad ee laga dheehdo midowga ay ummadi leedahay.

Sidoo kale ka shaqaynta nabada ayaa door wayn ka ciyaarta midowga, sidaas darteed bulshadii meel ku nool marka ay ka shaqayso illaalinta nabada ayay hiigsan karaan midnimo waarta.
Colaada ayaa iyana ah nabarka ugu balaaran ee soo gaara bulsho midaysan waana horseedka kala fogaanshaha iyo kali kali usocodka kaso dhex muuqata bulsho midaysan.

Midowga mowfiqka aya iridaha u fura midnimada ka dhex jirta ummad meel ku wada nool, hadii ay ummadi meel ku wada nooshahay waxa lagama maarmaan ah inay yeeshaan mowqif ay ku midaysan yihiin kaas oo salka ku haya, diinta, dhaqanka, afka iyo qaybo badan oon qaarkood kor kuso xusnay.

Sida qur’aanka kariimka ah na farayo qof kasta waxa uu leeyahay xaquuq, sidaas darteed bulsho walbo oo wada nool marka ay la yimaadaan mowqif midaysan kaas oo difaacaya xaquuqda aadamaha ama xaquuqda uu shaqsi kastaa leeyahay waxaa la arkaa inay midoobaan, kana hortagaan wax kasta oo ku xad gudbaya xaquuqda shaqsiyadeed.

Sidoo kale ka midoobida arimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo ilbaxnimada aya ah kuwo horseeda midnimada ummadi leedahay.

waxan kuso gabagabeyn lahaa ” Midnimo way dhalataa ee looma dhasho” maadaaba ay midnimadu noqotay wax la dhaliyo waxaa inoo cadaanaysa in looga fadhiyo dadkii dhaliyey inay difaacaan.

Waxaa duco iyo amaan mudan dhalinyaradii soomaaliyeed ee bilaabay midnimada iyo difaaca ummada soomaaliyeed, Alle waxan uga baryayaa inuu janada ugu bishaareeyo danbigooda dhaafo aamiin yaa Allaah.

W/Q: Maslax Daahir Guure
Melbourne Australia
Tell: +61401286007
Email: mdguure@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com