Top News:Guddoomiyaha Saddexda Gole Ee Ahlu Sunna-da Gobollada Dhexe Sheekh Ibraahim Sh. Xasan Guureeye Oo Soo Dhaweeyay La-wareegidda Baraawe.

0

Caabudwaaq, AGGM: Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta soo dhaweeyay la-wareegidda degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose oo ah degmadii ugu dambeysay, uguna muhiimsaneyd ee ay Al-Shabaab uga sugneyd Soomaaliya.

Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay guul tahay in Al-Shabaab laga saaro Baraawe.

Guureeye ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM looga baahan yahay in ay la yimaadaan farsamooyin cusub, isla markaana ay cunnaqabateyn dhanka biyaha iyo raashinka ah saaraan maleeshiyada iyo inay kasbadaan kalsoonida shacabka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu u soo jeediyay in ay gurmad gaarsiiso deegaannada laga saaro Al-Shabaab, si uu shacabka dhiirragelin u helo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com