Muqdisho, AGGM:Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay Amar kasoo saartay dadka ka yar 40 jirka inaysan gudaha usoo geli karin Gudaha Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu sheegay mar uu saxaafada la hadlayey inay Damiin ka rabaan dadka ka yar 40 jirka markay soo galayaan Muqdisho.
Waxa uu Maxamed Yuusuf sheegay in Koontaroolada magaalada laga galo iyo kuwa laga baxo ay ciidamo dhigayaan kuwaasi oo amaanka xaqiijin doona si bay yiraahdeen uga hortagaan Shabaab inay falal Amni daro ka geystaan Muqdisho inta ciida lagu guda jiro.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com