“DAAWO VEDIO” R/ wasaare Cabdiweli: “Dowladda Switzerland waxay naga caawineysaa Nidaamka Federaalka”

0

Wefdigan uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa waxaa hoggaaminayey xoghayaha arrimaha Didbedda ee dowladda Switzerland, waxaana kulankaasi uu ka dhacay aqalka madaxtooyada Soomaaliya, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta kulankaasi ka qeyb-galay ee wefdia soo dhoweyay.

Ra’iisul wasaare, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Warfidiyeennada la hadlay kulanka kaddib, waxa uu sheegay in isaga iyo Mr Yosef Rosseir ay ka wada hadleen arrimaha xiriirka labada dowladood, taageerada dowladda Switzerland ee dib u dhiska Soomaaliya iyo gargaarka ka socda gobollada ay abaaraha sameeyeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in Dowladda Switzerland ay tahay dowlad ku dhisan nidaamka federaalka, isla markaana ay Soomaaliya ka gacan siin doona dhismaha howshaasi.

Xoghayaha arrimaha Dibedda ee waddanka Switzerland Yosef Rosseir, ayaa sheegay in soo dhoweyn kaddib ay isla meel dhigeen Ra’iisul wasaaraha dhamaan qodobada, dhismaha, gargaarka gacan siinta ammaanka, Dhaqaalaha, Siyaasadda oo ay ugu horreyso dhismaha maamullada Federaalka iyo arrimo kale.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa wadda dadaallo looga faa’ideysanayo ee ah in Soomaaliya laga taageerayo arrimo badan, dowladda Switzerland ay ka tahay wadamada diyaarka u ah in Soomaaliya ku guuleysato Hiigsiga 2016-ka.