Dhageyso:Xukuumada Oo Fariin U Dirtay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya..

0

Muqdisho, AGGM: R/wasaare Kuxigeen ahna wasiirka arimaha diinta iyoAwqaafta Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xersi Maxamed ayaa waxa uu ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay meel mariyaan hindise sharciyeed la horgeeyey.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay Baarlamaanka 23 hindise sharciyeed oo ubaahan in la meel mariyo si buu yiri ay howsha wasaaradaha Xukuumada ay shaqadooda usii wataan.

Ridwaan Xersi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan sharciyo kale oo Golaha Baarlamaanka doonayaan inay meel mariyaan oo ay dhawaan usoo gudbinayaan waa hadii la meel mariyo kuwa hadda horyaala.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumada Somaliya Ridwaan Xersi ayaa ku booriyey inay Xildhibaanada Baarlamaanka Shaqadooda laba jibaaraan oo ay sharciyada horyaala go’aano uga soo saaraana sida ugu dhaqsiyaha badan shaqadana lagawada dhigo mid isku xiran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com