Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo maalmahaanba socdaal wadamo kala duwan oo Yurub ah kusoo marayay ayaa Caawo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Stockholm ee Caasimadda Wadanka Swedan.
Prof Geedi ayaa xaflad soo dhaweyn ah waxaa loogu qabtay Xaafadda ay Soomaalida ku badantahay ee Kista ee Magaalada Stockholm.
Dadweyne aad u Fara badan ayaa soo buuxiyay Hoolkii Xafladda Soo dhaweynta loogu qabanayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi.
Prof Geeddi waxa uu ka dhageystay warbixin guud jaaliyadda soomaalida ee dalalkaasi, isaga oo sidoo kalena uga waribixiyey xaaladda guud ee dalka iyo waxa la filan karo 2016 oo loo balansan yahay in doorasho xor ah, wuxuuna u xaqiijiyay in dowadda maanta dalka ka jirta ay ka go’antahay inay dalka gaarsiiso doorashadaas oo ay qayb ka tahay waxyaabihii loo igmaday ee laga sugaayey
DAAWO SAWIRRO.