Axmed Madoobe oo ka qawaafsan shirka Garbahaareey iyo Qorshe uu damacsan yahay!! (AKHRISO)

0

Muqdisho, AGGM: Horjoogaha Sheekh Axmed Madoobe ayaa aad uga qawaafsan shirka dhawaan ka furmi doona magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo.

Waxa uu shirkaan u arkaa inuu yahay mid lagu carqaladeynaayo maamulkiisa islamarkaana dano gaar ah laga leeyahay, waxaana uu bilaabay qorshe adag.

Waxa uu doonayaa in caalamka gaar ahaan wadamada daneeya Soomaaliya in waxa ka jira Garbahaareey inay yihiin wax lagu doonaayo in dagaal iyo qas lagu abuuro.

Dhanka kale waxa uu doonayaa in xubnaha maamulkiisa ka mid ah kana soo jeeda Beesha Mareexaan aanay aadin shirka Garbahaareey, hadii kale uu go’aan ka qaadan doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com