SHARTA SANBOLOLSHE ALLAHA NAGA QABTO!!!!

0

Waa nasiib darro aad u weyn in dalkaan danahiisi oo dhan maanta la iska illaabay waa tan ummaddi oo dhan lagu mashquuliyay Sanbololshe oo marna la yiri xilbaa laga qaaday, mar kale xilbaa loo magacaabay, mar seddaxaadna la yiraa Madaxweynahaa meel u raadinaya..waxaa halkaas ka baxay danti dalka iyo dadweynaha oo la fajacsan sidey wax u socdaan iyo in Sanbololshe loo helo boos loo dhiibo si madaxda dalka, iyo badi websiteyada, ay howsha loo dhiibay u gutaan iskana illaabaan, walow muddo kooban, arrimaha Sanbololshe.

Madaxweynihi iyo R/Wasaarihi waxay ku mashquuleen sidi Sanbololshe boos loogu magacaabi lahaa sida Madaxweynuhu rabo ama dowladda dhanba loo dumi lahaa si uusan Sanbololshe xil uga helin meesha, waa sida ay rabaan R/Wasaaraha iyo xulufadiisa.

Waxaad moodaa Sanbololshe inuu wax badan la wadaago Cali Khaliif Galleyr oo geedkuu ku istaago la dhacaayo!! Waa kii Madaxweynaha u raacay Kisimaayo, waxaana la filaayay in culeyska uu leeyahay socdaalka Madaxweynuhu wax weyn iska beddeli doonaan arrimaha Jubbooyinka oo qasan, wax xal ahna aysan u soo muuqan… laakin wadashadi uu watay Sanbololshe ayaa arrimihi oo dhan cakirisay waayoo waa nin nasiib xun oo meeshu cagta saaro holac ka kacaayo. Waxaa intaas u dheer isagoon weligii loo sheegin xilalki loo magacaabo sidi loo fulin lahaa waayoo lama siin loomana sheegin waajibaadka xilalka uu qabtay. U maleyn maayo inay jiraan waxa loo yaqaano ”wasf wadiifi” (job description) si uu uga badbaado siririqashada faraha badan oo howlihiisi oo dhan ka dhigtay hal bacad lagu lisay.

Maanta waxaa dalku khatar ugu jiraa in dowladda lagu kala yaaco isaga awgiis, waxaa ummaddi lagu mashquuliyay xilbaa loo magacaabay!!! Kan u magacaabay ma u leeyahay awood dustuuri ah ow ku magacaabo ama uu xil uga qaado?..R/Wasaaruhu waa Sanbololshe oo kale oo ma yaqaanno shaqadiisa waxa ay tahay iyo soohdinta awoodahiisa ku dhamaadaan, mase wuxuu mooday inuu leeyahay ”unlimited power”?

Dad badan ayaa xilal laga qaaday ee maxaa Sanbololshe ka dhigay arrin aan dhamaad lahayn? Hadda jufadiisi ayaa sheegatay booska laga qaaday waxayna rabaan in nin kale oo iyaga ah loo magacaabo si reerka loo raalli gareeyo!!! Xilalka iyo boosaska dowladda ma jufooyin baa leh? War aaway dowladdi iyo danahi dadweynaha?

Waxaa laysla dhex marayaa in dib-u-shaandheyn lagu sameyn doono xukuumadda oo tiro wasiiro ah ay booska weyn doonaan..sababtana cid garan karta aysan jirin…ma inta saluugtay kartida R/Wasaare Cabdiweli ayaa la eryaa mase waa kuwo howshi laga rabay ka soo bixi waayay? Waa kuma qofka qiimeyn kara howl-gudashada wasiirada (periodical appraisal/ performance analysis) Mase kuwo taageersan mowqifka Madaxeynaha ee dhanka Sanbololshe ayaa meesha ka baxaya?

Cabdiweli wuxuu illaabay qofka meesha keenay inuu ahaa Xasan Sheikh isaguna uusan manta u oggoleyn awooda uu Madaxweynaha u adeegsaday magacabidiisa. Aqoon iska illaaw ee bal cagligaaga adeegso oo qofki adiga ku magacaabay qof kale inuu magacaabo awood ma u leeyahay?!!! Waxaa meesha laguu keenay inaad u adeegto ummadda oo aad wax kasta ka hormariso danaha dadka iyo dalka..mana habboona inaad ku fikirto in qofki aan anigu nacay oon eryay haddii xil loo dhiibo dowladda oo dhanbaa dumeysa. Taa waxay caddeyneysaa inaad soo habawday oo jagada aad heyso ay tahay mid kaa tan weyn oo aadan u qalmin. Awalbaa la yiri biyo dhul lagu arag lagana dhowr.

Dagaalki lagula jiray Shabaab waxaa hakiyay arrinta Sanbololshe oo nagu noqday boog kansar ah kana daran Shabaab una baahan in xal deg-deg ah loo helo intaysan horseedin bur-bur ka weyn kan hadda nagu soo fool leh. Sanbololshe waxaan kula talin lahaa inuu meesha isaga tago, waayoo wuxuu helay fursado aad u waaweyn uu ka soo muuqan karay kuna soo bnandhigi karay kartidiisa, nasiib darro waa ku fashilmay, waxyeelada fashilkiisana (side effects of his tremendous failure) waxay waxyeelo gaarsiisay Madaxweyne Xasan Sheikh iyo xulufadiisa ood mooddo inay weli ku adkeysanayaan in Sanbololshe xil loo dhiibo (they will lose their credibility). Waa iska mala awaal ee ma ahan wax la hubo, laakin waxaan kula talin lahaa Madaxweyneha inuu Sanbololshe, hadduu abtigiis run ah yahay, iskaga tago meesha inta aan lagu kala cararin, waayoo saadaasha soo muuqata ma ahan mid barakeysan oo la mahadi doono hadduu weli ka sii muuqdo saaxadda.

Axmad Calasow
ahmed.m.alasso@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com