Ma dhisan karna Ciidan Qaran?

0

Cabdullahi Ibraahim — Waxaa waayadaan la hadal hayaa dhismaha Ciidan Xoog leh oo uu dalku yeesho kadib markii ay fashilmeen dhamaan Dowladdihii dalka laga dhisay gaar ahaan kuwii Ku-meelgaarka, sidoo kalena ay nabad keeni waayeen ciidamadii Shisheeye ee dalka yimid.

Baraarugan ayaa yimid ka dib markii uu soo shaac baxay damac cusub oo dhul boob ah, kaas oo ka imaanayo dowladaha dariska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, waxaa sidoo kale baraarugan sii kordhiyey ka dib markii ay dadka Soomaaliyeed ka aamin baxeen balanqaadyada beenta ah ay caadada ka dhigaty Beesha Caalamku

Dooddan ah in la dhiso ciidan Qaran oo xoogan, kaas oo ilaaliya Midnimada iyo Madax banaanida dalka, Sidoo kalena ka hortaga damac kasta oo ka imaada Dowladaha Dariska sida Itoobiya iyo Kenya, ayaa waxa uu si joogta ah uga dhex socda guud ahaan Mujtamica Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Waxgaraka ah sida Culimada, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyanada.

Waxa ayna Waxgaradkani ku doodayaan in aysan nabad keeni karin ciidan Shisheeye awood kasto oo uu leeyahay, Sidoo kalena aysan suurtagal ahayn in ay Dowladdi ku tiirsanaanto ciidan Shisheeye, waxa ayna tusaale u soo qaateen ciidamadii dalka la keenay sida kuwii UNITAF, UNISOM iyo Kuwa hadda Jooga ee AMISOM, kuwaas oo dhamaantood ku fashilmay in ay nabad ka dhaliyaan dalka.

Hadaba Su’aasha meesha taalaa waxaa weeye intaanan la dhisin ciidan horta ma isweydiinay ciidan noocee ah baan u baahan nahay? Anigu waxa ay ila tahay in ay marka hore Soomaali isweydiiso su’aalo badan oo ka horeeyo dhismaha ciidan Qaran si aysan mar kale u dhicin wixii dhacay waayo wixii Wadanka ka dhacay waxaa sabab u ahaa ciidan. Waxaana ka mid ah su’aalaha loo baahan yahay marka hore in laga Jawaabo kuwan:-

  • Ciidan noocee ah baa loo baahan yahay, tiradiisuse waa imaasaa?
  • Caqiido noocee ah baa lagu barbaarinayaa ciidankaasi? Ma mid diineed, mid qabiil, mid gaboleed Mise mid cilmaaniyeed?
  • Qaab ceynkee baa lagu soo qorayaa ciidankaasi? Ma hadba Beesha xukunka haysa ayaa soo qoreysa? Mise?
  • Ma waxa uu noqonayaa ciidankaasi ciidan ay ku shaqeystaan kooxda xukunka haysata markaasi? Mise?
  • Ma waxa uu noqonayaa ciidankaasi ciidan u taagan danaha Umadda Soomaaliyeed? Mise dano Shisheeye?
  • Ma waxa uu noqonayaa ciidankaasi mid u taagan fulinta Awaamiirta Ilaahay? Mise mid la dagaalamo?

Dhamaan su’aalahini iyo kuwa kale oo badan, ayaa u baahan in laga Jawaabo marka hore inta aan lagu soo ordin dhismaha ciidan Qaran waa haddaan nahay dad uu caqligoodu shaqeynayo oo doonayo in ay ka leexdaan wadadii ay Shalay ku dhibaatoodeen. Jawaabaha su’aalahini, ayaa sidoo kale iftiimin kara dhismaha ciidan wanaagsan, kaas oo lagu aamino dalka, islmarkaana xaqiijin kara himilooyinka Umadeed ee Umadda Soomaaliyeed

Maadaama uu Ciidanku sabab u ahaa wixii ka dhacay dalkan ka dib markii si xun loo isticmaashay awooddi Ciidanka, Sidoo kalena lagula dagaalamay cid kasta oo ka soo horjeesatay kalitalisnimaddii Maxamed Siyaad. Hadaba si aysan u dhicin wixii dhacay oo kale sow looma baahna Shuruuc iyo Qawaaniin adag oo lagu xakameeyo Ciidankaasi, Islamarkaana laga mamnuuca in uu dhexbooda Siyaasadda.

Jawaabtu waa haa maxaa yeelay ma dooneyno marka kale in aan aragno ciidan wax inqilaabayo ama awoodda maroorsada, Islamarkaana laaya cid alaale iyo ciddi ka hortimaaddo siduu Maxamed Siyaadba sameeyey, Hadaba si taas looga badbaado waa inaan dajinaa xeerar iyo qawaaniin adag oo ka hor istaagayo ciidamaasi in loo isticaamo in lagula dagaalamo beelo iyo deegaano Soomaaliyeed.

Maadaama uu dalku ka dhacay Dagaal sokeeye, kaas oo kala irdheeyey Bulshadii Soomaaliyeed ee Walaalaha ahayd, si loo helo Ciidan Qaran oo wanaagsan waa in marka hore la helaa dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin guud si ay u fududaato isu keenista dhamaan dhinacyada Siyaasadeed ee dalka ka jira sida Dowladda Federaalka, Somaliland, Puntaland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo kuwa la midka ah.

Waa in uu Ciidankaasi noqdaa mid ka yimaada qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo dhamaan Gobolada uu dalku ka kooban yahay si uu u noqdo Ciidan Qaran oo la wada leeyahay. Waa in ay Ciidankaasi tababaraan Macalimiin Soomaaliyeed si uu u helo kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Waa in ay Ciidamadaasu soo maraan Macaahid iyo Meelaha lagu barto Diinta Islaamka si uu Askarigu u noqda mid garanayo Xaqqa uu ku leeyahay Rabigiisa iyo Xaqa ay ku leeyihiin dadkiisa. Dhanka Saraakiishu waa in ay noqdaan kuwa ka soo baxo Xarumo gaar ah, kuwaas oo lagu barto Culuumta Shareecada iyo Maadiguba si ay u noqdaan kuwaa gudan kara xilalka loo dhiibo.

Ciidamada aan ka hadlayo ee uu u baahan yahay dalkan ma’ahan kuwa meelahan lagu hayo ee la leeyahay waa Ciidan Qaran, Wayo kuwani waa Mooryaantii inta la soo aruuriyey la yiri waa ciidan Qaran, kaaga sii darane waxaa laga yaabaa intooda badan in ay soo tababaren Saraakiil Xabasho iyo Kenyaati ah. Waxyaabaha aan la yaabo marka aan maqlo waxaa ka mid ah Itoobiya ayaa Soomaaliya u soo tababareyso ciidan!!

Ugu danbeyntii waxaan leeyahay, Waxa uu dalkani u baahan yahay Ciidan Qaran oo si wanaagsan loo dhisay, Islamarkaana qarashkiisu ka yimaada Jeebabka dadka Soomaalida waa haddii la doonayo dal Soomaaliyeed oo mid ah, Islamarkaana degan. Hadaba su’aasha taalaa waxaa weeye sidee buu ku imaanayaa Ciidankaasi ?

Anigu waxa ay ila tahay, in uu doorkaasi qaato Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh maadaamu uu Isagu yahay Shaqsiga ugu sareeyo Dalku,Waxaana looga baahan yahay Madaxweynaha in uu qabto Shirar looga arinsanayo dhismaha Ciidan Qaran, Kaas oo ay ka soo qeyb galiyaan dhamaan qebybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada, Siyaasiyinta, Hooyooyinka, Dhalinyarada iyo Saraakiishii hore ee Ciidamada

Maadaama uu dalku lahaan jiray Saraakiil aad u dhisan, Islamarkaana lahaa aqoon sare Waa in Iyaga laga faa’iideystaa aqoontooda iyo Khibradahooda si looga maarmo talo Shisheeye,Islamarkaana looga leexdo wadadii ay ku burbureen Ciidamadii Xogga badnaa ee Dalku lahaa. Hadaba su’aasha kale ee  meesha taalaa waxaa weeye dadka Soomaalidu ma dhisan karaan Ciidan si wanaagsan u dhisan ?  Jawaab waa haa Maxaa yeelay dadka Soomaalidu waa ka hanti badan yihiin intii hore kana cilmi badan yihiin.

Tusaale ahaan haddii laga qaado Soomaalida Qurba-joogta ah qofkiiba $30 Bishii, imisa ayaa soo xarooneysa? Tusaalaha kale haddii aan ku qiyaasno Soomaalida Qurbaha ku nool 500.000, imisaa Bishii ka soo xarooneysa  500.000*30=15.000.00. Waxaa soo xarooneysa lacag gaareysa 15.000.000+ daxliga dalka. Anigu horay u arkay waxa na haayaaba in ay tahay Hogaan xumo kaliya.

Gaba gabdii, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed lagama gadi karo Mooryaan Madax diirdiran oo balwadi dilootay Islamarkaana Shacabka ku dhaca wadooyinka in la yiraahdo waa Ciidan Qaran ee taakuleeya  ee haddii la doonayo Ciidan Qaran oo wanaagsan waa in la qabtaa Shirar badan oo looga arinsanayo dhismaha Ciidamadaasi.

Hadaba Shuruudahee baa laga rabaa askariga aan dooneyno ee aan ku farxeyno aragtidiisa, islamarkaana aan ku aamineyno difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

  1. Waa in uu jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qabaa
  2. Waa inaanu lahayn wax balwad ah haba yaraatee
  3. Waa in uu ugu yaraan ka soo baxaa dugsi dhexe, islamarkaana yaqaanaa Quraanka.
  4. Waa inaanu gelin wax danbi ah sida dil, kufsi iyo dhac.

W/Q: Cabdullahi Ibraahim
Abdull2006@hotmail.com