Hassan Ma Hogamiyaa Mise Waa Hogaansame?Dr.Ali.A.Hirabe

0

Qofki runta aanan ku dhaqmin been ayaa u qarsoon,waxaan aad ugu xumahay in Xassan Sheekh Muqdisho kaga tago Odayadii siyaasiyiintii ka soo jeeday Jubba halka uu u hogaansamay jab-hadii raaskaamboobi,waxaan aad ugu xumahay in Puntland lagu casuumo siyaasad ayan shaqo ku laheeyn balse aay ka tahay mida ku shideeysa dabka gobolada Jubbooyinka iyada oo aay ku raadineeyso isirwadaag aanan jirin.

Taariikhda ayeey galeeysaa wax Xassan ku kalifay in uu u hogaansamo Axmed Madoobe oo aan ognahay in uu ka yimid Walwaal iyo Wardheer halka dadkii degenaa gobolka laga dhigay kuwa khaxooti ku ah Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka,waxaan isweeydiiyad Axmed Madoobe ma Damjadiid ayuu noqday,xaqiiqdii waa sidaa,sow lama dhihi karo Damjadiid ayaa ku shiraaya Kismaanyo ??

Shacabka Somali aad ayuu u soo dhaweeynayaa soo celinta nabada Muqdisho aad ayaan ugu faraxsanahay balse waxaan aad ugu xunahay sida aay siyaasada u socoto oo ah mid horseedi doonta xasilooni dari sabbabta oo ah haddii nabad laga shaqeeynaayo waxaa qumaneeyd in shacuubta degani Jubbooyinka aay qeeyb ka ahaadaan dib u heshiisiinta hada laga bilaabay Kismaayo.

Maxeey dhali doontaa Bay ??? welise ma fool-diin ayeey ku jirtaa ?? Fool-diinka ( inta aan la dhalin ayaa waxaa yimaada xanun marna taga marna xanuuniya qofka ) ( waa qaska ka socda Bay ) Nunow waa diiday in uu ku biiro Damja-diid,reer Bay waa diideen Damja-diid hadafka guracan ee qeeybi oo xukun. ( Damja-diid waa Jabhad sida SSDF maaha xisbi xaqiiqdii waayo waxaa ka mid ah Gabre iyo Afeey sidia aad ka aragteen heshiiskii Bare iyi Axmed Madoobe Goobweeyn )
Xaqiiqdii waxaa aay dowlada diidan tahay rabitaanka shacabka iyada oo aay doorbiday in aay gacanta ku rimiso dhismaha 3 gobol,halka indhaha laga qabsanaayo in 6 da gobol aay tahay xal abuurikara midnimada Somalia iyo wadajirka,waxaan aad u taageerayaa sida shacabka Bay ugu soo banaanbaxeen kuna diideen in qowmiyada Digil & Mirf lagu kala qeeybiyo Jubba iyo Koonfur galbeed,waxaan aad ugu dhiiragelinaayaa in aay maalin iyo habeen wadaan mudaaharaadka caalamkana u soo bandhigaan in dowlada federaalka dhagaha ka fureeysatay shacabka degan dhulkaa,waxaan iyana aad u jeclahay in aad darbiyada G.Bay ku qortaan ninwalba oo caado-qaate ah magaciisa si umada aay u arkaan taarikhda mugdiga ah oo aay rabaan in aay u horseedaan Digil & Mirif,Jawaari waxaa quman in uu garawsado shacabka rabitaankooda haddii kale waxuu gali doonaa liiska mugdiga.

Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com