DEG DEG:- C/weli Gaas oo ka bad baaday weerar lagu qaarajin lahaa

0

Wararka ka imaanaaya magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan in uu bad baaday Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ka dib markii la fashiliyay weerar isaga lagu qaarajin lahaa.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay Gaari iyo sidoo kale Laba nin kuwaa oo doonaayay inay isku miidaamiyaan Mr Gaas.

Mid ka maid ah Geerashyada ku yaala Garoowe ayaa la ogaaday inuu yaalo Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, waxaana ciidamada Howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen Laba Nin oo gaari watay, lana sheegay in qorshahaan abaabulaayeen.

Sidoo kale waxaa lasoo xiray Shaqaalihii iyo Milkiilihii Geerashkaan, ilaa iyo haatanna wax faah faahin dheeraad ah lagama bixin ragaan, waloow ay sheegeen inay damacsanaayeen dilka Gaas.

La soco wixii soo kordha.