Mogadishu, September 12 , 2014- Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho , kadib markii uu kaga qeybgalay Magaalada Cochin ,gobolka Kerela ee dalka India shirka wadahadalka wadamada kulaala Badweynta Hindiya“ India Ocean Dialogue” , kaasoo ay ka qeybgaleen 28 dal oo qaarkood aan xubno ka aheyn Ururka , ayna uga qeyb-galeen qaab korjoogto ah.
Mudane Abdullahi Dool , ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay horumarka balaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada Siyaasadda,ammaanka, dib u heshiisiinta, dowlad wanaaga, la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeeda .
Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu ka hadlay sababaha keenay in burcad badeeda ay ka dilaacdo xeebta dheer ee dalka oo ay ka duulaan tagaan , isagoo arrin farxad leh ku tilmaamay in sanadkan aanu dhicin fal la xiriira afduubasho maraakiib , taasoo uu xusay inay tusaale wanaagsan u tahay dagaalka iyo howlaha wacyigelinta ah ee dowladdu ku xakameysay burcad badeeda .
Waxaa xusid mudan , in Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed mudadii uu kulanka ka socday Magaalada Cochin inuu kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay ergadii shirkada u mataleysay wadamada India, UK, Mareykanka, Yemen , Imaaraadka Carabta, China, Singapore, Bangladesh , Seychelles, Mauritius, Kenya, Tanzania, Indonesia iyo Malaysia , ayna isku afgarteen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh.
Xoghayaha joogtada ayaa waxaa maanta garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay agaasimaha guud habmaamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow , Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada MudaneYusuf Alasow Mohamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com